Tababar u furmay Guddiga iyo Shaqaalaha TPEC [Sawirro+Muuqaal]

Waxaa maanta magaalada Garoowe tababar uga furmay Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo howlwadeenadooda, kaasoo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo fahamsiinta bulshada qaabka diiwaangalinta.

Tababarkan oo ay bixinaysay hay’adda Safer-world oo wada-shaqayn la leh guddiga ayaa socon doona muddo 5 cisho ah.

Ismaaciil Ibraahim oo ka socday hay’adda Safer-world ayaa sheegay in aqoon is-weydaarsigan oo la xariiro sidii guddiga iyo shaqaalaha xafiiska xog dheeraad ah looga siin lahaa arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland, Maxamuud Soofe Xasan, ayaa soo dhaweeyay tababarkan, wuxuuna ku bogaadiyay hay’adda Safer-world sida iyo tallaabada ay ku doonayso inay ku siyaadiso xirfadaha shaqaalaha.

Tababarkan ayaa yimid xilli la dhammaystiray qorshaha uu ku shaqaynayo Guddiga doorashooyinka Puntland saddexda sano ee soo socota  (Strategic plan).

….Dhammaad…

Abdirazak Hayir

TPEC MEDIA OFFICE

 

Posted in: News and Events