Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqey guddiga doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah ugu dhawaaqey qayb kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland.  Sida uu qabo Dastuurka Puntland Madaxweynuhu waxa uu sharci u lee yahay in uu soo magacaabo 5 xubnood halka afarta xubnood ee kale ay soo magacaabayaan Golaha Wakiilada ee Puntland. Guddiga Doorashadu waxa uu ka kooban yahay 9 xubnood.

Xeer Madaxweyne Lr.15, February 14,  2016, kuna saabsan Magcaabid Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.

  1. Cabdulaahi Cali Nuur     Xubin
  2. Maxamed Cabdille Faarax Xubin
  3. Naciima Cabdiraxmaan Guuleed Xubin
  4. Axmed Maxamed Cali Xubin
  5. Maxamuud Soofe Xasan Xubin
  6. Maxamed Saciid Cumar Xoghayn
Posted in: News and Events