Gudiga Doorashooyinka Dowlada Puntland OO la Dhaariyay

Guddiga doorashooyinka dawladdda Puntland oo uu dhowaan cod Aqlabiyad leh ku ku meel-mariyey Baarlamaank Puntland ayaa maanta 25-April-2016 waxaa lagu dhaariyey xafiiska Madaxweyne ku-xigeenku uu kuleeyahay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe.  Munaasabadda dhaarinta guddiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin kasocotey Maxkamadda sare.  Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ilaahay uga baryey guddiga In uu u fududeeyo shaqada adag ee loo wakiishay, waxana uu ku boorriyey in ay dedaal dheeraad ah sameeyaan si’ay uga soo dhalaalaan waajibaadka baaxadda leh ee loo igmaday.  Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ku  tilmaamay xubnaha guddiga in ay ka kooban yihiin dad aqoon yahan ah isla markaana waayo-aragnimo dheeraad ah u leh arrimaha noocaan ah.  Sidoo kale waxa uu xusay kusimaha Madaxweynuhu in guddigaani ay haystaan firaaqo  ka badan tii ay haysteen guddigii iyaga ka horreeyey isla markaana looga baahan yahay in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay  bulshada Puntland.  Ugu dambayntii Kusimaha Madaxweyanaha ayaa eebbe uga baryey guddiga  in uu u fududeeyo shaqooyinka baaxadda leh  ee loo igmaday, sidoo kalena waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddiga si’ waddanka loo gaadhsiiyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah.
Daawo Sawirada
IMG_6630

IMG_6632

IMG_6633

IMG_6635

IMG_6640

IMG_6642

IMG_6647

IMG_6650

IMG_6668

Posted in: News and Events