Guddoomiyaha TPEC oo socdaal shaqo u aaday Maraykanka iyo Canada [Sawirro]

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa maanta u dhoofay waddanka dibadiisa isagoo ka qayb gali doona kulamo kala duwan oo ka dhacay dalalka Maraykanka iyo Canada.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa casumaad ka helay Jaaliyadda Puntland {Puntland Diaspora Forum} ee dalka Maraykanka, halkaasoo uu kaga qayb gali doono shir isagoo ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland iyo howlaha uu guddigu wado.

Guddoomiyaha TPEC, ayaa sidoo kale la kulmi doona hay’ad la yiraahdo National Endowment for Democracy (NED) oo uu kala hadli doono arrimo ku saabsan nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland ee Guddigu u xil-saaranyahay.

“Waxaan u baxayaa safar shaqo oo aan ku tagi doono waddamada Canada iyo Maraykanka, waxaan la kulmayaa jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland ee halkaas ku sugan,” ayuu yiri Guddoomiyuhu ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray in socdaalkiisu qaadan doono muddo 2 bilood ah islamarkaana uu kulamo kala duwan la soo qaadan doono bulshada ku nool waddamadaas iyo qaar kamid ah hay’adaha Daneeya arrimaha Dimuqraadiyadda Puntland.

TPEC MEDIA OFFICE

[email protected]

 

Posted in: News and Events