Guddoomiyaha TPEC oo la kulmay Mayarka Minneapolis iyo Jaaliyadda Puntland ee Maraykanka

Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka puntland Mudane Cabdiraxman Diiriye Samatar oo mudooyinkii dambe ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa la kulmay madax kala duwan iyo Jaaliyadda Puntland ee dalkaas ku sugan.

Guddoomiyaha ayaa Maraykanka u tegay arrimo shoqo oo la xiriira taaba gelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland iyo sidii dalku uu u gaari lahaa nidaamka doorasho oo qof iyo cod ah.

Gudoomiyuhu Wuxuu kulamo arimahaas loogaga xaajoonaayo la yeeshay jaaliyada reer puntland dalka maraykanka.

Dhanka kale Gudoomiyuhu waxa uu la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maraykanka Gaar ahaan Mayarka magaalada Minneapolis.

Gudoomiye C/raxman diriye iyo Mayarka waxa ay si gaar ah uga wada hadleen dhowr arimood sida taaba gelint dimuqraadiyada puntland iyo Mataanaynta Bosaso iyo Minneapolis.

Posted in: English News