Guddoomiyaha TPEC oo ka warbixiyay safar uu ku tagay Maraykanka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC oo todobaadkan dib ugu soo laabtay dalka, ayaa guddiga iyo shaqaalaha warbixin ka siiyay safar qaatay in ka badan saddex bilood oo uu ku tagay dalka Maraykanka.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa sheegay in safarkaas uu kala soo kulmay guulo la taaban karo islamarkaana uu shirar la soo qaatay dowladda, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dimuqraadiyadda iyo jaaliyadda Puntland ee nool gobollada waaweyn ee dalka Maraykanka.

Wuxuu kaloo sheegay in socdaalkiisan uusan ku koobin arrimaha doorashooyinka, balse uu la soo kulmay laamaha Booliiska, wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu kala soo hadlay sidii ay Puntland gacan uga siin lahaayeen arrimaha hormarka, amniga iyo doorashooyinka.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa ugu dambayn xusay in socdaalkaas uu ahaa mid ay waxbadan ka ogaadeen hay’adaha daneeya arrimaha dimuqraadiyadda islamarkaana uu uga warbixiyay hannaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo halka uu marayo.

TPEC Media Office

[email protected]

Posted in: News and Events