Guddiga Doorashooyinka Puntland oo shir u qabtay Bulshada Galkacyo [Sawirro]

GALKACYO, Puntland- Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug shir ugu qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Xunaha Guddiga, maamulka gobolka Mudug, Nabadoono, Cuqaal, Aqoonyahano, Waxgarad, Haween iyo Dhalinyaro, ayaa looga hadlay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar oo shirka furay ayaa sheegay in Guddigu qabtay shaqo aad u baaxad weyn islamarkaana ku guulaysteen inay diiwaangaliyaan Shantii urur ee ugu horaysay kuwaasoo dhawaan ay soo kormeeri doonaan xarumaha ay ku leeyihiin gobollada Puntland.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa intaas ku daray in Guddigan ay shaqada sii wadi doonaan ilaa ay ka gaarayaan halka ugu dambaysa xilligooda shaqo oo ah inay soo saaraan saddex Xisbi oo heer Puntland ah.

Guddoomiyaha TPEC oo sii hadlaya, wuxuu bulshada gobolka Mudug ugu baaqay inay taageeraan ururrada is-diiwaangaliyay iyo nidaamka geedi socodka Dimuqraadiyadda, isagoo xusay inuu yahay hab hormar u horseedaya bulshada oo dhan islamarkaana saamaxaya inay doortaan hogaamiyaha ay doonayaan shacabku.

Sidoo kale Cabdullaahi Cali Qood oo kamid ah Guddiga, ayaa xusay in hirgalinta nidaamka cid kasta mas’uuliyad ka saarantahay islamarkaana loo baahanyahay cid walba ka shaqayso sidii looga mira dhalin lahaa dedaalada socda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug, Maxamuud Jaamac Xirsi, ayaa soo dhaweeyay shirka Guddiga isagoo xusay inay ka shaqaynayaan nidaam wanaagsan oo saamaxaya in looga gudbo habka hadda la isticmaalo ee qabiilka ku salaysan.

Qaar kamid ah qaybahihii kasoo qayb galay shirka ayaa guddiga Su’aalo ka weydiiyay shaqada socota iyagoo sidoo kale soo dhaweeyay halka ay wax marayaan islamarkaana ballan qaaday inay taageeri doonaan Dimuqraadiyadda Puntland.

Ugu dambayntii waxaa kulanka soo gaba-gabeeyay Guddoomiyaha TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye oo uga mahadceliyay afkaaraha wanaagsan ee ay ka dhiibteen nidaamka dimuqraadiyadda.

Guddiga ayaa kulamo noocaan oo kale ah horay ugu soo qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, kuwaasoo diiradda lagu saaray sidii loo hirgalin lahaa Dimuqraadiyadda Puntland.

TPEC MEDIA OFFICE

[email protected]

Posted in: News and Events