Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay madax ka socotay Midowga Yurub

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe kula kulmay madax ka socotay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo halka uu marayo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga ahna ku simaha Guddoomiyaha Maxamuud Soofe, ayaa xubnaha ka socday EU-da uga waramay waxyaabaha u qabsoomay, wuxuuna tilmaamay inuu meel wanaagsan marayo hannaanka dimuqraadiyadda.

Soofe, ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay kaalinta beesha caalamka ee ku aadan hormarinta Barnaamijkan.

Xubnaha ayaa sido kale Guddiga wax ka weydiiyay caqabadaha hortaagan iyo sida looga gudbi karo.

Ugu dambayn shirka ayaa kusoo dhammaaday guul iyo in labada dhinac kawada shaqeeyay hayaanka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

TPEC Media Office

Posted in: News and Events