Guddiga Doorashooyinka Puntland oo kulan la qaatay xubno ka socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa xafiiskooda Garoowe ku qaabilay xubno kasocday Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

TPEC iyo xubnaha ka socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa kawada hadlay arrimo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta labada dhinac.

Xubnahan ayaa sidoo kale hordhac u ah Waftiga guddigaas katirsan oo dhawaan imaan doona Puntland, kuwaasoo ka shaqayn doona sidii ay u furan lahaayeen xafiis.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland, Maxamud Soofe Xasan, ayaa xubnaha ka socday DFS kusoo dhaweeyay xafiiska TPEC, wuxuuna uga mahadceliyay booqashad ay ugu yimaadeen isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaarsiinta nidaam qof iyo cod ah.

Labada xubnood ee ka socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulamo la qaadan doona xubnaha TPEC iyagoo wada lafa guri doona shaqooyinka ay ka qabanayaan dalka iyo kuwa laga qabanayo Puntland.

TPEC Media Office

Posted in: News and Events